Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ayaa is bedelo ku sameeyay hoggaanada ciidanka Booliska qeybahooda kala duwan.

Is bedeladan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay kuwo si guud ah loogu sameynayo laamaha kala duwan ee ammaanka.

Taliyihii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa xilka laga qaaday, iyadoo lagu bedelay Jen, Axmed Xasan Maalin.

Jen. Maalin ayaa horay xilkan u soo qabtay, hase ahaatee waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa Madaxa Hoggaanka howlaha ciidanka Booliska.

Jen. Maxamed Cumar Madaale oo horay isna u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, balse muddooyinkii u dambeeyay howl gab ahaa ayaa loo magacaabay madaxa Hoggaanka Howlaha ciidanka Booliska.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen Saacid ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda is bedel ku sameeyay hoggaanada kale ee Booliska, iyadoo lagu wado in markii u horeysay in Haween madax ka ah Hoggaanada Booliska uu magacaabo.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cumar Islow (Ducaale) ayaa dhowaan sheegay in is bedelo lagu sameynayo hoggaanada kala duwan ee hey’adaha ammaanka, si loo dar dar geliyo howlaha sugida ammaanka.