DAAWO SAWIRADA Wafdi ka socday Dowladda Jarmalka oo booqday xarumaha Boliiska Soomaaliyed ee Muqdisho

Taliyaha Boliiska Soomaaliyed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Jarmalka oo isugu jiray khuburo arrimaha boliiska iyo amaanka qaabilsan, kuwaas oo ujeedada ay u tageen soomaaliya ay ahayd sidii Dowladda Jarmalka u taageeri lahayd Boliiska Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Mr Achim Allweyer iyo Mr Petja Stoy ayaa waxay warbixino ka dhageysteen Taliska Boliiska Soomaaliyed, sidoo kalena waxaa laga wada hadlay arrimaha amaanka.