DAAWO SAWIRADA Gen Xaamud oo Dubai kula kulmay Xoghayaha Guud Boliiska adduunka Interpol

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdi ballaaran oo hogaaminayay oo beryahaan ku sugnaa Magaalada Abu Dabai  ee dalka isku taga imaaraadka Carabta ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii halkaas kaga qeybgalay shirka boliiska adduunka ee loo yaqaano Interpol, kaas oo loogu magacadaray  Unity for security , shirkaas oo soo qaban qaabisay Dowladda imaaraadka carabta.

Shirka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xil la isaga saari lahaa xasilinta iyo amaanka adduunka , Taliyaha Boliiska ayaa intii uu joogay halkaas waxaa uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Boliiska adduunka ee Interpol.

Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi S/Gaas. Maktoum Al Shariifi, Abbaanduulaha Ciidanka Boliiska, oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan labada Ciidan, waxaana shirarkaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Danjire Cabdulqaadir Shiikhey Al Xaatimi iyo wafdigii Taliyaha la socday.