TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA OO TABABAR U FURAY DHALLINYARO LOO QAATAY LEYLI SARKAAL+SAWIRRO

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababar u furay dhallinyaro jaamiciyiin ah oo ku soo biiray ciidanka booliiska laguna qaatay darajada Leyli Sarkaal.
Munaasabaddi furitaanka tababarka oo ka dhacday Akadeemiyada Booliiska ee Jeneraal kaahiye ayaa waxaa goob joog ka ahaa, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Guddoomiyaha Maxkamadda Ragcaanka Mudane Sheekh Saalax, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudane Awees. iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Darajada Koowaad G/Sare. Shuute.

Tababarka loo furay dhallinyaradan ayaa socon doona muddo Afartan iyo Shan cisho ah, waxayna qaadan doonaan casharro ku saabsan shuruucda booliiska, dhalinyaradan oo gaaraya ku dhawaad 50 ayaa ah jaamiciyiin ku soo biiray ciidanka booliiska iyadoo loo qaatay Leyli Sarkaal.

S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, isagoo ku boorriyay dhallinyarada tababarka loo furay iney si akhlaaq, karti iyo hufnaan leh u qaataan casharrada ay qaadanayaan muddada uu socdo tababarka.

Jeneraal Xaamud ayaa talaabo horumar leh ku tilmaamay in dhallinyaro ka soo baxday jaamacadaha dalka ay ku soo biiraan ciidanka booliiska, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidanka booliiska uu ku tallaabsaday horumarro loo aayo oo kaabi karta tayada ciidanka booliiska Soomaaliyeed.