TALIYAHA BOLIISKA SOOMAALIYED ayaa soo dhaweeyay Wafdi ka socda Talyaaniga oo booqday Xarunta Jen Kaahiye, Daawo Sawirada

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa maanta ku soo dhoweeyey Akaadeemiyada Boliiska ee Jen. Kaahiye wafdi ka socday Dawladda Talyaaniga oo uu hoggaaminaayo Ambassador Luciano Pezzi, Ergeyga Gaarka ah ee Dawladda Taliyaaniga u qaabilsan bariga Afrika oo ay weheliyaan,Carlo Campineli. Danjiraha Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya,Col. Carlo Emiliani. U qaybsanaha Arrimaha Ciidamada Ee Dawladda Talyaaniga.



 Muhiimadda booqashada wafdiga waxay imaaneysaa ka dib xiriirka qotada dheer ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed la leeyihiin Ciidanka Carabinieriga Talyaaniga oo wixii ka dambeeyey sanadkii la soo dhaafay soo xoogeysanaayey ka dib markii uu Taliyaha Ciidanka uu booqasho rasmi ah ku tagay Dalka Taliyaaniga, halkaasna uu kula soo kulmay dhiggiisa dalkaasi Taliyaha Caranbinieriga Tulio Del Sette. Wafdiga oo salaan ka qaatay cutubyada tababarka ugu jira Dugsiga ayaa kormeer ku soo sameeyeen qaybaha kala ee Dugsiga,

Waxayna wafdiga kula kulmeen Akaadeemiyaha Saraakiil Sare oo sanadkii hore tababar dhanka hoggaaminta ah ku soo qaatay Magaalada Roma.

Ugu dambeyntii wuxuu ergeygu halkaas ka ballan qaaday inay sii kordhin doonaan xiiirka iyo gacan siinta ciidanka boliiska Soomaaliyeed