Taliyaha ciidanka Booliiska oo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha guddoonsiiyay deeq lacageed+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta guddoonsiiyey Guddiga Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo uu hoggaaminaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte lacag ay iska soo ururiyeen Saraakiisha iyo Ciidanka ku xareysan Akaadeemiyada Jen. Kaahiye.

Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa halkaasi ku soo bandhigay Fadumo Xassan Maxamed (Fakato)  oo ah gabar yar oo Sagaal jir ah, ahna dhal boliis oo iyadana ugu deeqday dadka abaaraha ku waxyeeloobay lacag dhan 30 kun oo Dollar. Arrintaasoo ay dad badan dhiiggooda dhaqaajisay dareenka gabadhaas ay soo bandhigtay ayaa wuxuu Taliyaha Guddiga u sheegay in deeqdaan ay tahay deeqda ay Dugsiga ku deeqeen, hase yeeshee ay jirto dadaallo badan oo ay Ciidanka Boliiska ugu jiraan ururinta deeqaha loogu talo galay dadka abaaraha ku waxyeelloobay.

Ugu dambeybyntii waxaa goobta ka hadlay Ra’iisul Wasaare Ku Xiseenka iyo Sh. Nuur Baarood oo iyaguna ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay badiyaan dadaalka loogu gurmanaayo shacabka.