DAAWO SAWIRADA:Taliyaasha Ciidamada oo maanta ka qeybgalay Barnaamijka Khamiis-laha ah ee Kuliyadda Ciidamada Boliiska Gen Kaahiye

Waxaa maanta oo Khamiis ahayd Akaadeemiyada Gen. Kaahiye ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed lagu qabtay kulankii Khamiislaha ahaa, waxaana cutubyada gaadda ka cayaarka ku soo bandhigeen ka mid ahaayeen Saraakiishii sanadkaan u dallacay Darajada Xiddigle, waxaana salaanta ka qaatay Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac oo marti ahaa Kulliyadda, wuxuuna Taliyaha Asluubta hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka Boliiska horumarka iyo dadaallada uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Gaas. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, wuxuuna Taliyaha Ciidanka Asluubta ugu deeqay kuliyadda Qoryaha lagu tababarto