Midowga Yurub oo DFS ka caawinaya bixinta Mushaaraadka Ciidanka Boliiska

Ergayga Midowga Yurub u qaabbilsan Dalka Soomaaliya, Ambassador Veronique Lorenzo, ayaa sheegtay inay 6,800 Boliis ah oo isugu jirta Rag iyo Haween ay Todobaadkan siin doonaan Mushaar heerkiisu sarreeyo.

Mss: Lorenzo; ayaa sheegtay inay masuuliyadda Mushaar bixinta tooska ah saaran tahay Dowladda,haddana ay tani ula jeedaan dhiirri gelinta Ciidamada Boliiska si ay u kordhiyaan howlaha Ammaanka, Sharciga iyo Kala-dambaynta.

Danjiraha, ayaa intaasi ku dartay inay Mushaaraadkan Midaowga Yurub ka bixin doonaan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo si toos ah loogu shubayo Xisaab-lacageedka Bankiga ee ay Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ku leeyihiin.

“Tallaabadaasi ayaa noqon doonta mid fudud, degdegsiimo leh oo aad u hufan” ayey tiri Danjiraha Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Mss: Veronique Lorenzo.

Waxayna intaasi ku dartay in nidaamkan cusub uu taageeri doono Horumarka Boliiska iyo Ajendaha dib loogu habaynayo Laamaha Ammaanka iyo in la dhiso Maamul hufan oo ay yeeshaan waaxaha kala duwan ee ammaanka Dalka u xil saaran.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa dhowaan soo bandhigtay hab cusub oo ay Mushaaraadkooda ku qaadan doonaan Ciidamada Boliiska, iyadoo wejiga hore lagu tijaabin doono qaybo ka mid ah Laamaha ammaanka Dalka.