Taliyaha Boliiska Soomaaliyed oo la kulmay Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidamada Carabinieri Talyaaniga , Daawo Sawirada

Taliyaha ciidanka boliska somaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa gelinkii dambe maantii Talaadada la kulmay Taliyaha ciidanka Carabinieri Talyaaniga Gen. Tullio Del Sette iyo Gen Ilio Ciceri Abaanduulaha Ciidanka Carabinieri iyagaa ka wada hadlay Xiriirka Labada Ciidan, taageerada Talyaaniga Boliiska Soomaaliyed iyo arrimo kale.

Isagoo xeran dharka Ciidamada Boliiska Soomaaliyed caan ku ah iyo darajooyinkiisa ayaa si aan horey loo arkin loogu soo dhaweeyay dalka Talyaaniga Taliyaha Boliiska Soomaaliyed Gen Maxamed Sheekh Xasan.

Wadahadalada labada dhinac ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii iskaashi buuxa u yeelan lahaayan Ciidamada Boliiska Soomaaliyed iyo Carabinieri .
Hadal kooban oo Taliyaha Boliiska Soomaaliyed halkaas ka jeediyay ayuu uga mahad celiyay Taliyaha ciidanka Carabinieri Talyaaniga Gen. Tullio Del Sette iyo Gen Ilio Ciceri Abaanduulaha Ciidanka Carabinieri sida wanaagsan ee ugu soo dhaweeyan dalkooda Talyaaniga sidoo kalena wuxuu uga mahad celiyay adkeynta xiriirka wada shaqeyn ee labada ciidan.

Kulankaas kadib taliyaha iyo wafdiga uu hogaaminayay oo uu ka mid ahaa Taliya xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen Bashiir Abdi Mohamed ayaa waxa ay Booqdeen Dugsiga Baarista Danbiyada dalka Talyaaniga,waxaan Taliyaha Boqashadiisa ku wahliyay Safiirka Somaliya u fadhiya Talyaaniga Gen Musse Xassan Abdulle iyo Gen Sheikh Awes Macow Maxamed
A1 A2 A3 A4 A5 A6 A7 A8 A10 A11 A12 A13 A14 A15 A17 A18 A19 A20 A21 A22 A23 A24 A25 A26 A27 A28 A29 A30 A31 A32 A33 A34 A35 A36 A37 A38 A40 A41 BH0A3279 BH0A3280 BH0A3282 BH0A3283 BH0A3284 BH0A3285 BH0A3300 BH0A3328 BH0A3330 BH0A3336 BH0A3355 BH0A3358 BH0A3392 BH0A3394 BH0A3403 BH0A3408 BH0A3410 BH0A3412 BH0A3481 BH0A3482 BH0A3492 BH0A3493 BH0A3515 BH0A3516 BH0A3517 BH0A3518