Taliyaha Boliiska Soomaaliyed oo booqday Saldhiga Howlwadaag, Daawo Sawirada

Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kormeer Shaqo ku tagay Saldiga Boliska degmada Holwadaag ee Magaalada Muqdisho una soo kuurgalay Sida uu u shaqeeyo saldiga iyo maxabista ku xiran saldhigaas.

Gen Xaamud waxaa u sheegay saraakiisha Boliiska ee maamula saldhigaas iyo guud ahaan taliska Boliiska ee Gobolka Banaadir inay si wanaagsan oo soomaalinimo ku jirta u gutaan waajibaadkooda ciidanimo isla markaana si bani’aadanimo ku jirta ula dhaqmaan maxaabiista nooc walba ha ku eedeysanaadan.

Mid mid ayuu u booqday qeybaha kala duwan ee Saldhiga Degmada Howl wadaag ka kooban kadibna waxaa uu kula dardaarmay saraakiisha ciidanka boliiska inay saaxiib la noqdaan Shacabka Soomaaliyed, isagoo sheegay haddii aysan saaxiibtinimo dhex marin boliiska iyo shacabka inaan laga hortagi karin qatarta ay leeyihiin kooxaha Argigixisada.

IMG_0058 IMG_0059 IMG_0061 IMG_0068 IMG_0005 IMG_0013 IMG_0016 IMG_0017 IMG_0019 IMG_0027 IMG_0028 IMG_0032 IMG_0033 IMG_0034 IMG_0037 IMG_0050 IMG_0051 IMG_0052 IMG_0053