Taliyaha booliska oo dhagax dhigay saldhig boolis oo laga dhisayo Xamar Jajab

Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo maamulka degmada Xamar Jajab ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay saldhig boolis oo laga hirgelinayo degmada Xamar Jajab.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cismaan Dhoore oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dhagax dhiga xarunta cusub ee booliska laga hirelinayo degmada Xamar Jajab, waxaana uu shacabka ka codsaday inay ka qeyb qaataan dhismaha xaruntan cusub.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ugu baaqay ganacsatada inay ka qeyb qaataan dhismaha xarunta cusub, maadaama loogu adeegayo bulshada ku dhaqan degmada, waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka noqon doonto mashruuca dhiso dalkaaga.


BH0A8927BH0A8931BH0A8932BH0A8933 (1)BH0A8933BH0A8935BH0A8939BH0A8940BH0A8941BH0A8942BH0A8943BH0A8944BH0A8945BH0A8946BH0A8947BH0A8948BH0A8949BH0A8952BH0A8954BH0A8970