Taliyaha ciidanka booliska oo aqoon isweydaarsi uu soo xiray saraakiil boolis,Sawirada

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta Muqdisho ugu soo gabo gabeeyay saraakiil ka socotay maamul goboleedyada dalka aqoon isweedaarsi ku saabsan doorka booliska ee wada shaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Maamulada Dalka.

Aqoon isweedaarsi ku saabsan doorka booliska ee Federaalka iyo wada shaqeynta dhinaca ammaanka oo 27-kii bishan ka furmay Muqdisho ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo wada shaqeynta ka dhexeyso saraakiisha ciidanka booliska kuwa Maamul goboleedyada iyo saraakiisha kale ee dowladda Federaalka ah, iyadoo Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo taliyayaasha Maamul goboleedyada Dalka ay isla soo hadal qaadeen hanaanka ugu wanaagsan oo ay u wada shaqeyn karaan Booliska heer maamul ilaa iyo heer Qaran.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamud ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigan uu yahay mid lagu xoojinayo wada shaqeynta ciidanka booliska meelkasta oo ay ka howlgalaan.

“Waxaa Sharaf noo ahayd in aan isugu yeerno saraakiishaan, waa markii labaad ee aan kulano hadda waa is tusnay hanaanka aan u wada shaqeyn karno boolis ahaan, maadaama uu wadanka u gudbayo nidaamka federaalka ah, waana isla fahanay sidii arrimahaasi loo xoojin lahaa.”ayuu yiri Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Taliyaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabihii aqoon isweydaarsiga la isku dhaafsaday, ayna joogteyn doonaan kulamada nuucaani oo kale ah ee lagu xoojinayo wada shaqeynta ciidanka booliska heer Maamul goboleed iyo mid federal.
BH0A4977 BH0A4922 BH0A4924 BH0A4925 BH0A4926 BH0A4927 BH0A4929 BH0A4930 BH0A4931 BH0A4932 BH0A4933 BH0A4934 BH0A4935 BH0A4936 BH0A4938 BH0A4940 BH0A4942 BH0A4944 BH0A4945 BH0A4947 BH0A4948 BH0A4952 BH0A4953 BH0A4956 BH0A4961 BH0A4964 BH0A4965 BH0A4967 BH0A4968 BH0A4969 BH0A4970 BH0A4971 BH0A4973 BH0A4975 BH0A4976