Daawo Sawirada Mushaar bixinta Ciidamada Boliiska Soomaaliyed,Xaamud oo booqday

Ciidanka Boliiska Soomaaliyed ayaa bishii labaad oo xiriir ah ee sanadkan waxay qaatan mushaarkooda, iyadoo mushaar bixinta ay ka qeybgaleen guddi saraakiil ah oo uu hogaaminayay Gen Axmed Dayid oo loo yaqaano Dhegacaleen, si loo ogaado xaalada dhabta ah ee ciidanka.
Arrintan waxay qeyb ka tahay dadaalada lagu habeynayo ciidanka ee uu hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Goobaha lagu bixinayay mushaarka ciidamada waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo kuxigeenkiisi labaad Bashiir Maxamed Cabdi.
Taliyaha Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan waxaa uu leeyahay waa muhiim in la helo ciidan boliis ah oo nadiif ah, si taasi loo xaqiijinaya waxaa qasab ah in ciidanka loo helo wax walba oo ay u baahan yihiin.
Mr Xaamud tan iyo markii uu xilka qabtay waxaa uu ku dadaalayay inuu horumariyo ciidamada boliiska Soomaaliyed, dadaalkiisana si weyn ayaa loogu dhex dareemay gudaha iyo dibadda gaar ahaan ciidamada boliiska niyadooda kor ayay mareysaa xilligan.
boo
photo 4 photo 1 photo 2 photo 3
photo 5 photo 1 photo 2 photo 3 photo 4