Howlgalkan ay ciidamada booliska ka sameeyeen degmada Hodan‏, Sawirada

Howlgalkan ay ciidamada booliska ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ayay ku soo qabteen hub iyo rag lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay xaafado ka mid ah degmada.

Howlgalka oo laga sameeyay guryo ku yiilay xaafadda soona keey ee degmada Hodan ayaa lagu soo qabtay 23 ruux oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iminka ku socoto baaritaanno lagu ogaanayo

Sareeyo Guuto Axmed Xasan Maalin Taliyaha hogaanka howlgallada booliska oo la hadlay war baahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkii xalay lagu guuleystay

“Howlgalka waxa uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay guryo ku yaalla degmada Hodan, halkaasi oo ay heynay xog ku saabsan inay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab, 23 ayaan ku soo qabanay, hub iyo gaadiid, maxkamadda ayaana lala tiigsanayaa” ayuu yiri Jeneraal Maalin

Ciidamada amniga ee dowladda ayaa ku howlan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada ka tirsan kooxda UGUS, oo dooneyso inay dhibaatooyin u geystaan shacabka

A16 A6 A7 A8 A9 A10 A11 A14