Taliyaha Ciidamada Boliiska oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada, Daawo Sawirada

Taliyaha ciidanka boliiska Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta kulan caadi ah la qaatay saraakiisa sare ee hoggaanada ciidanka boliiska soomaaliyeed, iyadoo kulankii maanta diirada lagu saaray sidii loo horamarin lahaa loona dejin lahaa istaraatijiyad guud oo lagu maareeyo marka ay dhacdooyin khasaaro leh ay dhacaan.

Sidoo kale waxaa saraakiisha sare ee ciidanka lagu booriyey in ay dhex joogaan ama kormeeraan ciidanka ku sugan rugaha nabadgelyada si ciidanku niyad ugu yeesho shaqooyinka ay habeen iyo maalin u hayaan bulshada.

In kastoo kulankii maanta Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyed la yeeshay Saraakiisha kala duwan aan wax war ah laga soo saarin hadana waxaa idin soo gudbinaynaa sawirada kulankaas.

20150628_111906_resized 20150628_111752_resized 20150628_111830_resized 20150628_111858_resized 20150628_111902_resized