Taliyeyaasha Boliiska Somaliya iyo Amisom oo ka hadlay sugidda amaanka bisha Ramadaan, Daawo

Shir jaraa”iid oo ku saabsan dardar gelinta amniga magaalada muqdisho iyo adkayntiisa inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan oo ka dhcay xarunta taliska boliiska Soomaaliyed ee Magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay qorshahooda sugidda amniga magaalada muqdisho iyo kaalinta laba ciidan boliis ee amisom iyo boliiska soommliyyeed.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan oo shirkaas Saxaafadeed ku wehelinayay taliyaha Boliiska Amisom waxa ay ku balan qaadeen in ay si wadajir ah isaga kaashan doonaan sugidda amniga magaala muqdisho habeen iyo maalin si bulshada soomaaliyeed iyagoo aan wax welwel ah ka qabin amaan xumo u gudan lahaayan waajibaadka Ramadaanka.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidamada Boliiska iyo kuwa AMISOM ee Boliiska ah in ay diyaariyeen qorshe ay iskula sugayaan xaqiijinta amniga islamarkaana ay rajeynayaan in dadka ay u suura galiyaan in si nabdoon ay gutaan waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Gen Maxamed Sheekh ayaa ku dardaarmay in labada ciidan si wadajir ah loogu talo galay xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho bisha ramadaan. Iyagoo ciidanka dhex galay guubaabo qiiradaysana u jideyay kulana dardaarmay in ay dhowraan sharaftooda iyo tan ciidanka boliiska sidoo kale tan shacabka ay u adeegaan.
11 1 2 3 5 6 8 9
20150615_165908_resized 20150614_085437_resized 20150615_144522_resized 20150615_151835_resized 20150615_154728_resized 20150615_160309_resized 20150615_161155