Sareeyo guuto Maxamed Sheekh oo la dardaarmay Ciidamadii dhawaan tababarka ku soo qaatay Jabuuti, Daawo Sawirada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud a oo uu wehliyo safiirka cusub ee soomaliya u fadhin doona dalka sacuudi Arabia Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta akadeemiyada boliiska ee Jen Kaahiye kulan dardaaran ah kula qaatay Ciidankii dhowaan dalka jabuuti tababarka ku soo dhamaystay kuwaas oo diyaar u ah in ay hawlgalo cusub oo lagu xaqiijinsyo amniga magaalada gaar ahaan xaqiijinta amniga imtixaanka dugsiyada sare ee dalka oo beri ka bilaabanaya dalka.

Ciidanka oo la qalabeeyay lana siiyay direes cusub iyo hubki ay ku hawlgeli lahaayeen ayaa halkaas lagu siiyay dardaaran iyo dhiirigelin ku aadan sidii ay uga soo bixi lahaayeen waajibaadka la siiyay iyagoo shacakooda u adeegaya una turaya kana hor istaagaya inta nabada diidan ee dhibaatada ka wada dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa yiri waxaa la idinka baahan yahay inaad dalkiina iyo dadkiina u adeegtaan isla markaana si daacad ah u guditaan waajibka idinka saaran amaanka dalka.

Taliyaha Boliiska ayaa sheegay in ciidamada Boliiska waajib buuxda ka saaran yahay ilaalinta Imitixaanada Dugsiyada sare ee beri bilaaban doono sidaas darteed looga baahan yahay ciidanka inay arrintaas si adag u fuliyaan oo ay ka soo baxaan waajibka qaran.
20150612_095335_resized 20150612_095212_resized 20150612_095214_resized 20150612_095314_resized 20150612_095321_resized