TALIYAHA BOOLISKA SOOMAALIYED GEN MAXAMED SHEEKH, oo tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti Ciidamo Boolis ah DAAWO SAWIRADA

Munaasabad ay ka soo qeybgaleen Wasiiro ka kala socda dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti laguna soo xirayay tababar muddo 3 bilood ah dalka Jabuuti uga socday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday dalka Jabuuti.

Gen Maxamed Sheekh Xasan Taliyaha Booliska Soomaaliya, Wasiirada Cadaalladda iyo Amniga, Xeer Ilaaliyaha Guud, Wasiirka Gaashandhigga Jabuuti ahna Kusimaha Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti,Taliyaha Ciidanka Carabinieri-ga Dalka Talyaaniga Lit. Gen. Tullio Del Sette iyo madax kale ayaa goobjoog ka ahaa xafladii lagu soo xirayay tababarka Ciidamada booliska soomaaliya ee ka socday dalka Jabuuti.

Tababarkan ayaa waxaa bixinayay Saraakiil Talyaani ah waxaana loogu dan lahaa kor u qaadista tababarka Ciidamada booliska soomaaliya, aqoonta Saraakiisha iyo sida booliska ula dhaqmaan dadka rayidka ah.

Taliyaha booliska Soomaaliyed Gen Maxamed Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadaas waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyay dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti oo gacan ka geystay tababarkan qabsoomidiisa iyo bixinta tababarka.

Gen Maxamed Sheekh Taliyaha booliska Soomaaliya ayaa u sheegay askartii tababarka dhameysatay inay u adeegan dalkooda uguna adeegan wixii ay ka barteen tababarkan.
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12