Gen Maxamed Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka Carabinieri-ga Talyaaniga Lit. Gen. Tullio Del Sette oo galabta Heshiis Iskaashi ah ku saxiixday dalka Jabuuti, Daawo Sawirada

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa gaaray heshiis ku saabsan iskaashiga Ciidamada gaar ahaan tababarka Ciidamada Booliska iyo dib u dhiska Ciidamada Booliska Soomaaliyed.

Waa heshiis iskaashi oo dhex maray Taliyaha Ciidanka Carabinieri-ga Dalka Talyaaniga Lit. Gen. Tullio Del Sette iyo Taliyaha CIidamada Booliska Soomaaliyeed, Gen Maxamed Sheekh Xasan.

Heshiiska ayaa waxaa uu galabta oo Arbaco ah ka dhacay dalka Jabuuti oo maalinta beri lagu wado in lagu soo gabagabeeyo tababar Ciidamada Booliska Soomaaliya uga socday halkaas muddo 3 bilood ah.

Sida ay sheegayan wararka munaasabadii heshiiska lagu saxiixay waxaana goob joog Ka ahaa Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Cabririzaaq Cumar Maxamed iyo Danjiraha Dalka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

Gen Maxamed Sheekh Xasan oo markii heshiiskaas dhacay kadib hadlay ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga gacan ka geysan doonto dib u dhiska iyo tababarka Ciidamada booliska Soomaaliyed.
1 2 3 4 FullSizeRender (1) FullSizeRender